08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ma runbaa in dawlada Ingiriisku damaanad qaaday heshiiskii dekeda Berbera: WARBIXIN (muuqaal)

Waxay warar faahfaahsani ka soo baxayaan heshiiskii u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo shirkadda DP world iyadoo in muddo ahba la raadinayay cid damaanad qaada oo iska hubiya cida ay heshiiskan la galayaan maadaama Somaliland tahay gobol kamida Somaliyada burbursan laakiin sheeganaya in uu go’een.

Wararka laga helayo heshiiskaa inta aanu bilaaban ayaa lagu xaqiijay in hesiiskan uu ka dhameeyay dawlada Somaliya safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliya,, waxase dhinaca kale la cadeeyay in heshiiska damaanad qaadkiisa ay gacanta ku duugeen xubno ka mida dawlada Ingiriiska ama shirkado Ingiriisa oo xagga dambe ka joogey heshiiska wakiilna ka ahaa maamulka Somaliland.

Heshiiskan ayaa lagu dhaqayaa SHARCIGA Ingiriiska maadaama aanu jirin sharci kale oo ay ku kala bixi karaan shirkada la garanayo ee dawlada Imaaraadka iyo gobolkan ka mida Somaliya laakiin sheeganaya in uu gooni yahay.

Sidey qoreen wargeysyo ka soo baxaya Ingiriiska iyo maamulka Somaliland ayaa sii xoojinaya cida damaanad qaadka weyn iska leh marka laga yimaado dawlada Somaliya oo iyadu bixisey ogolaanshaha.

Taageerayaasha gooni goosadka Hargeysa ayaa hore u sheegay in maamulku helo ilo dhaqaale oo uu ku iibiyo fikirka goosadka isla markaana dekedu qayb ka noqoto qorshe sidaasa.

Hoos ka daawo mid ka mida siyaasiyiin ka maamulka Somaliland ee Boobe Yuusuf oo isagu ka hadlay intuu ogyahay iswaydiiyayna cida damaanada qaaday.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS