X

Ma waxa jira maleeshiyo ay diyaarsadeen Xasan sheekh iyo Shariif sh Axmed

Waxa baryahan soo baxaayay inay duleedka magaalada Muqdisho lagu soo aruuriyay maleeshiyo u daacada labadii fadhiid ee hore ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sh Axmed si ay ugu dagaalamaan. Sawiro laga soo qaaday ayaa lagu baahiyay baraha bulshada.


Haddaba wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa war ka soo saaray maleeshiyadaas la sheegaayay wuxuuna yiri waxba kama jiraan wararkaas waana sawirio hore oo loo duubey ujeedo ka duwan.


Labada fadhiid ee Xasan sheekh iyo Shariif sh Axmed ayaa hore u sheegay inay yaqaanaan sida Muqdisho looga saaro madaxweyne Farmaajo. Fadhiid Shariif sh Axmed ayaa ku dhaartey oo yiri summa walla asagoo sheegay inay si gaara u qorteen ciidan beeshooda ah xilliyadii ay joogeen maamulka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.