08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maamul jufeedyada qaar oo ka warwareegaya shirka dastuurka dib loogu eegayo

Maamul jufeedyada qaar ayaa ka warwareegaya shirka dastuurka dib loogu eegayo ee ka dhacaya Muqdisho ee ka dhacaya Muqdisho ee la rabo in Somaliya teelato kala dambeyn iyo soo celinta sharafta ummada Somaliyeed oo ciidanku kow ka yahay.



Maamul jufeedyada shirka kuleh Kismaayo ayaa ka naxsan in dastuurka daaqada looga saaro oo la tirtiro maamul jufeedyada ku dhisan nidaamnka hadda Jira.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibril ayaa horay u sheegay in 8 Bishaan Shirkaasi uu ka furmi doono Muqdisho.



Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland in aysan imaan doonin Shirkaasi marmasiiyana ka dhigtey in ay shirkale ku jiraan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS