Shirar ka socda Jowhar ayaa looga dhawaaqay in caasimada maamulka Hiiran iyo Shabeelaha dhexe noqon doonto Jowhar tan oo jahwareer kale sii gelinaysa maamul u samaynta.
Inta badan ergooyinka ka qeyb galayay shirka ayaa waxay u codeeyeen in Caasimada maamulka ay noqoto magaalada Jowhar,
Hase yeeshee intii aanu shirkan furmin dhamaadkii sanadkii hore ayaa wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ku sheegay in magaalada madaxda labada gobol ay tahay Buulo Burte, halka madasha shirkana laga dhigay magaalada Jowhar.
Lama oga sida ay u dhaqan galayso in ergo ay bedelaan wareegto madaxweyne, hase ahaatee waxaa arrintan wax ka bedeli doontaa qaabkii awood qeybsiga maamulka oo markii hore la filayay in Madaxweynaha la dooran doono uu ka yimaado Hiiraan.
Madaxweynaha la dooran doono ee maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa lagu wadaa inuu ka yimaado Gobolka Hiiraan, maadaama Shabeellaha Dhexe ay qaateen Caasimada maamulka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![hiiraanka[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/10/hiiraanka1-300x182.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay