Garoowe–Maamulada Puntland iyo Jubba ayaa isku arki doona Garoowe halkaas oo ay sheegeen in ay siyaasad isku mida ka qaadan doonaan maamulka muranku ka taagan yahay ee Galmudug iyo khilaafyada kale ee ay wadaagaan. Dawlada Somaliya ayaa taageersan maamulka laga dhisey Cadaado waxase diidan isla dadka deegaanka sida Ahlu Sunna iyo maamulka Puntland oo sheegaya in dhul iyagu leeyihiin lagu daray.
Masuuliyiin ka tirsan dawlada Somaliya ayaa iyagu leh laba isma qabato in Puntland jeceshahay Federaal iyo in ay ka soo horjeesato maamul u samaynta Galmudug taas oo ay ku tilmaameen sidaan rabo ii yeela waxna waan idinla leehay waxaygana anaa leh.
Puntland ayaa dhankeeda ku doodeysa in lagu xadgudbayo dastuurka taasna ayna ogolaan doonin iyagoo sheegaya in dhul ay leeyihiin la sheeganayo.
Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe oo barlamaanka Somaliya u sheegay in la kala diro barlamaanka Jubba dibna loo aasaaso ayaa isagu u jaray wada shaqaynta dawlada federaalka ilaa hadda diidan in uu la hadlo.
Lama fahmi karo waxa uu soo kordhin karo kulanka Axmed Madoobe oo aan haysan awood badan iyo nidaam dhisan iyo Cabdiwelli Gaas oo isna xiriirkii u gooyay Xasan Sheekh halkii ay ahayd in doodooda la tagaan Muqdisho. Waxayse dareensan yihiin in aan nina la biilin.
Dadka badankiisa ayaa qaba in sheekadu tahay jug jug xagaaga joog oo eeda ay leedahay dastuur dhoodhoobka iyo magaca federal oo dadka qaar ku gabanayaan,,iyadoo sharciyan dadka Somaliyeed u codeyn in ay qaataan federal iyo inkale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay