20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maamulada Puntland iyo Somaliland oo madaafiic isku garaacay

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa markale madaafiic isku garaacay deegaanka Tukaraq oo ay isku fadhiyaan maleeshiyo labada dhinaca. Labadan maamul ayaa ku fashilmey inay ummada dhibka ka joojiyaan.




style=”text-align: justify;”>Maalmo dhaweyd ayay ahayd markii ergayga QM ee Somaliya uu labadaba gaarsiiyay war uu ka sido QM oo ah in lala tiigsan doono ciqaab dhaqaale iyo xanibaado.

Somaliland ayaa loo sheegay inay dib u celiso ciidankeeda ka joogta halkaa. Dagaalka ayaa ku eg wadada laamiga ah ee u kala baxda Sool iyo Nugaal.



Wararka ayaa sheegaya inuu jiro dhaawacyo soo gaaray askarta Somaliland lamase sheegin inay jiraan dhimasho.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS