Maamulka Axmed Madoobe ayaa Kismaayo u diidey taliye ciidan oo dawlada dhexe u soo magacaabtey xerada 43-naad oo ay degan yihiin ciidan dawlada dhexe ka tirsan.
Warqad uu soo saaray maamulka Kismaayo ee Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in soo magacaabista Jeneral Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo bishii hore la dalacsiiyay ayna waafaqsanayn heshiis London lagu galay.
Axmed Madoobe ayaa ku doodey in soo magacaabistu ay ahayd in iyaga lagala tashado taasina ayna dhicin. May sheegeen waxaty ku diideen Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud.
Talaabadan ayaa imanaysa in maamul jufeed kasta ayagoo arkaya daciifnimada dawlada dhexe ay sidey doonaan ula dhaqmaan dawlada.
Maaha markii ugu horeysay ee Axmed Madoobe ka hor yimaado amar ay soo saarto dawlada dhexe.
C/llaahi Warmoogwe
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay