X

Maamulka Galmudug oo laga baqayo inuu noqdo xero argagixiso

Waxa is casilay talyihii booliiska magaalada Dhuusamareeb kadib markii rag argagixiso ah oo uu soo xidhey uu ooda ka qaaday qase Axmed Macalin Fiqi oo maamulka ugu magacaaban arimaha amniga. Galmudug ayaa hore looga caariyay argagixisada haddase waxay heshay fursad ay si xora uga qadhaabato magaalada.


Waxa ragaas argagixisada ahaa ee ooda laga qaaday lagu soo helay falal ay ku jireen laakiin inta aan la baarin ayaaba ooda laga qaaday. Lama garan karo in horjoogaha maamulka ee Qoorqoor uu la qabo arintan qase Axmed Fiqi.

Waxase hubaala in qase Axmed Fiqi oo lagu yaqaano inuu iska hadlo bilaa cadayn iyo weliba faan ah in dawladu jiri karin jufadiisa la’aantood, uu gacan saar hoose la leeyahay argagixisada.


Sarkaalka is casilay ayuu ku eedeeyay inuu yahay ahlusunna, xilli warar soo baxay ay sheegayaan in ragga la soo qabtey ay ahaayeen jufada Axmed Fiqi.

Galmudug oo awalba jirin maamul ahaan waxa hadda laga baqayaa hadday sidan ku socoto inay hoostagto argagixisada la ciribtirey ee hadda ku soo hartey dilalka qorshaysan ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.