X

Maamulka Somalilaan oo sheegay in cudurka Kooro sii kordhey

Afhayeen u hadlay maamulka Somalilaan ayaa sheegay in tirada dadka laga helay cudurka Kooro uu sii kordhayo. Shalay ayay ahayd markii ay sheegeen in tiro horleh laga helay. Maamulka ayaa hadda bilaabay inuu ku shaqeeyo qalab ay keentay dawlada dhexe ee Soomaaliya.


Afhayeen Xergeeye ayaa sheegay in 11 qof oo kale laga helay cudurka Kooro taas oo Ka dhigeysa tirada guud 34 qof.

Dadka badankiisa ayaa qaba in diyaarada Itoobiya ee Muuse Biixi diidey inuu joojiyo ay masuul ka tahay inta badan sii faafida cudurka Kooro.


Tirada guud ee dalka Soomaaliya ayaa gaasheysa 1000 qof inta laga helay, ayadoo la sugayo wasaarada caafimaadka ee dawlada dhexe inay bixiso warbixinteeda maalinlaha ee cudurka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.