12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maamulka Gedo oo si kulul u beeniyay warar been abuura oo Kiiniya qortey

Warbaahinta Kiiniya ayaa shalay markii Somaliya xiriirka u goysay soo qorey in ciidamo farabadan dawladu gaysay xadka Madheera taas oo ay ku sheegen in dadka deegaanku walaac ka muujiyeen.



Haddaba maamulka gobolka Gedo ayaa si kulul u beeniyay in ay jiraan ciidamo dheeraada oo dawladu halkaas gaysay kuna sheegay been abuur ka yimi dhinaca Kiiniya.

“Ciidamada jooga gobolka waa kuwii horay u joogay gobolka” ayuu yiri gudoomiyaha oo intaas ku daray in wararkaas la faafiyey laga lahaa ujeedooyin gaar ah iyo in la abuuro xaalad aan jirin ayuu raaciyay.



Kiiniya ayaa shalay qortey in ciidan badan lagu soo daadiyay xadka. Somaliya ayuuba yaryahay ciidanka ay haysataa ee tababar maadaama lagu hayo curyaamin. Waxayse u egtahay baqdin durba ku yimi Kiiniya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS