X

Saldhiga dowlada emaaraadku may saxeexin ee carab baayaca-mushtara lala saxeexday by Abdi Mustafe

Saldhiga Berbera waxa lala saxeexday carab baayaca mushtara oo la yidhaa Al Suwaidi oo ka mida tujaarta ku le naadiyada ciyaartoyada ingiriiska. Waxay ahayd in wasiirka arimaha dibada ama wasiirka difaaca ee emaaraadku la saxeexo Sacad Cali Shire ama Cadami.
Dowlada emaaraadku waxay u sheegtay weftigii maa-daama aan Somaliland la ictiraafin in aanay heshiis dowla-doodu la geli karin ee ay ninkaa shicibka ah la saxeexdaan. Camada reer Somaliland ee taagertay saldhiga bilaashka lagu bixiyey waxay moodayaan curasha deyreyd.
Saldhiga ujeedada uugu weyn ee laga leeyey waxay tahay in lagu ilaashada DP World Berbera. inta dagaalka Yemen socdana waa lagaga duulayaa. Hadaba dadka ku dhinta Yemen inta  Berbera lagaga duulo iyo kuwa ku dhinta Somaliland inta xuutiyiintu gantaal ku soo jawaabaan denbigooda sow qoyska Silaanyo ma qabaan.
Culimada Somaliland cilmigoodu saldhiga waxa ka iman doona ma gaadh siisna miyaa? Maxay uuga hadli waayeen waa kuwa marka baan caalamiya la soo qaadaba isla oogsada e. Hadii saldhig la keeno Berbera, dabeed Somaliland ha ku tala gasho in la haysto oo aanay Saaxil ka talin doonin. ( Ayax taeg-yoo eel reeb ), Qoyska Silaanyo waxay waxan u samaynayaan ee ay sida ayaxa, eel u reebayaan waxay cadaynaysaa inay weli ciil u qabaan ree Somaliland oo weliba aanay ahayn dad dhergaba.
Shicibkana asqo ayaa ku dhacday mudadii Kulmiye xukunka hayay oo wey jaha wareereen, Morgan iyo Amina Weris na wuxuun baa ka soo hadhay wax kale ma la hayaa oo la xaraasho ….HAL MIN MASIID …. Wa ma’waahum Jahanaba… Isku soo xoori  Yaa Salaam, eesh calaa dowlad ileyn waxa xukunki gacanta u galay dumar iyo ciyaal oo odeygana HOSTAGE bay u heystaan e. Waxaynnu sugnaaba waa halka kale ee ay hadana isku qaadaan ee ay xaraashaan.
Abmustafe123@gmail.com
admin:

This website uses cookies.