X

Maamulka Siilaanyo maxay ka yiraaheen warar sheegaya Suldaan Wabar

Waxa shalay soo baxay warar sheegaya in Suldaan Wabar oo ciidanka beeshiisu hore isku dhiibeen qaarna lagu daray ciidanka Somaliland uu soo gaaray deegaano ku dhow gobolka Awdal.

Suldaanka ayaa in muddo ah iska fadhiyay Addis ababa kadib markii ciidankiisu is dhiibeen, waxana uu muuqaal soo duubey hal mar oo qudha xilligaas kadib.

Hadaba saxaafada beesha dhexe qaasatan kuwa Kulmiye ayaa si gaara u xiiseeyay warkan, waxayna durba la fuuleen warka suldaan Wabar musharax ku xigeenka Wadani Maxamed Cali.

Waxay ku sheegeen sheeko uu qayb ka yahay oo wax loogu dhimayo maamulka qabiileysan ee beesha dhexe iyagoo soo hadal qaadey doorashada la filayo in laga guulaysto.

Waxa kale oo ay sheekada soo geliyeen Jabuuti oo ay ku sheegeen in ay lacago soo siisay uu dagaal ku dhifo oo ka dhaqaaqa uu u gaysto ciidanka maamulka beesha dhexe.

Wararka laga helayo Itoobiya gaar ahaan ismaamulka ayaa sheegaya in Suldaan Wabar uu u yimi in uu soo arko dadkii kula jirey kacdoonka oo iyagu wali sidoodii ah iyo dib u heshiisiin iyo isku soo dhawaansho.

Kacdoon Xilligan

Kacdoon ka dhasha gobolka Awdal oo xaga horumarka aad u liita ayay adagtahay xilligan lagu jiro maadaama salaadiinta aan cidina dooran kala dhex dhigeen bulshada aafada qabiilka iyo danaysiga gaarka ah.

Ilaa gobolka ay u kacaan aqoonyanada la sheego in ay leeyihiin lagama yaabo in wax horumara laga gaadho dhinaca siyaasada.

Waxa darxumada siyaasadeed ee gobolka taala ka faaiideystay xilli Hargeysa horumar balaadhan ka jiro waa Muuse Biixi oo shilimaad farabadan ku kala qaybiyay jufooyinka Samaroon, waxana meesha ka baxdey kaalinta dadka fikirkooda xorta u ahaa oo ilaa hadda daawanaya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.