Wararka ka imaanaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wariye C/maalik Muuse Coldoon lagu xidhay garoonka.
Wariye C/maalik oo todobaadyadii ugu danbeeyay joogey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa markii uu diyaarada ka soo degay waxaa jeelka u taxaabay shaqaale ku sugayay madaarka oo la Maxamuud Xaashi amrey.
Coldoon ayaa maamulku ka naxay warbixino u badnaa facebuug oo uu ka diyaariyay Muqdisho iyo kulan uu la qaatey madaxweyne Farmaajo.
Maamulka Siilaanyo oo aan la garanayn cida ka talisa ayaa ku kacay xadgudubyo cuqdadaysan oo lagula kaco wariyeyaasha.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS