X

Maamulka Somaliland oo reer Awdal ku sii adkeeyay cunaqabataynta dhaqaalaha

Ilaa intii reer Awdal aasaaseen maamulkan la baxay Somaliland oo ka dhashay dib u heshiisiintii Isaaqii iscuney 1992. Shir loogu qabtey Boorama maadaama ay haysteen hubkii ugu badnaa ee dawladii Somaliya iyo weliba kuwii uu siiyay Mingeste ayaa shirkaa logu talogalay in jaarku ka nabadgalo iyaguna is nabadgeliyaan.


Laakin reer Awdal wey ku qasaareen shirkaas iyo wixii ku dhashay waxayna talada dusha uga tuureen sidii dhaqanku yahay qofka martida ah loomase hanbeyn oo Isaaq waa ku tuntey.

Maamulka Somaliland ayaa bilaabey cunaqabatayntii ugu horeysay ee uu reer Awdal ku qaaday markii uu ina Cigaal amrey in dhamaan hay’aduhu soo galaan Hargeysa taas oo shaqadii reer Awdal haysteen ka dhigtey waxba la’aan.


Waxa maanta u dambeysay war uu Muuse Biixi ku dhawaaqay oo ah inuu joojiyay dhamaan shidaalka aan Berbera maaha ka soo gala meelaha kale sida Saylac.

Ma Jiro cid ka hortagta cunaqabatayna aan joogtada ahayd ee maamulkani ku hayo reer Awdal.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.