X

Yaa loo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu ka midka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.”


Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimihii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamina Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka.

Hadaba waa Kuma Dr Nuur Diiriye

Wuxuu ahaa kamid ahaa dufcaddii ugu horreysay ee loo qaatay kulliyada Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda sanadkii 1973-dii isaga oo kaga qalin jabiyay Shahaadada Darajada Koowaad ee Jaamacadda 1978-dii.


Waxaa isla 1978-dii loo qaatay inuu Bare-kaaliye ka noqdo Kulliyadda Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Shahaadada labaad (Masters) wuxuu ka diyaariyay Jaamacadda Missouri ee dalka Mareykanka sanadku markii uu ahaa 1983-dii, isaga oo ku diyaariyay Mechanical Engirineering. 1987-dii wuxuu ka qaatay Shahaadada Phd ee culuumta Injineeriyada isla Jaamacadda Misouri. Isla sanadkaas wuxuu noqday Madaxa Waaxda ICT-ga iyo Bare ka tirsan Kulliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda.

Wuxuu aasaasay 1987-dii Shirkad la yiraahdo Fuursade Engineering and Computer Services oo ahayd tii ugu horreysay ee si gaar ah looga barto culuumta Kumbuyuutarka, waxaana ka aflaxay arday badan oo xilliyadaas ku hana qaaday barasha cilmiga Kumyuutarka.


Wuxuu dabayaaqadii 1990-kii u wareegay dalka Canada halkaas oo uu ka noqday La-taliye dhinaca culuumta Kumbiyuutarka ah, wuxuuna ka dhaqangeliyay magaalada Toronto Dugsi lagu barto softwares-ka. Waxaa intaas dheer inuu Prof Fuursade isla Kanada kasii waday xirfaddiisa macallinimada iyo la-talinta culuumta ICT-ga.

Sanadkii 2004 wuxuu Bare ka noqday Jaamacadda UAE ee magaalada Al Ceyn dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
2007 wuxuu ku laabtay dalka Canada isaga oo ku biiray macallimiinta Koleejka Seneca ee magaalada Toronto, isaga oo dib u bilaabay hawlaha tala-bixinta, gaar ahaan cilmiga xog-dhigista (Database).


2014 wuxuu dib ugu soo laabtay dalka isaga oo shaqooyin tala-bixin ah siiyay shirkado iyo Jaamacado ka hawl-gala Soomaaliya.
Sanadkii 2017 ilaa iyo hadda wuxuu qeyb ka ahaa Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo loo magacaabay La-taliyaha dhanka Istiraatiijiyadda.

Waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu istaajiyay waxaa kamid ahaa Mashruuca Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ay gacan ka geysanayaan Dawladda Bakistaan iyo Bankiga Adduunka kaas oo ay haatan dhammeystirkiisa ka shaqeynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.