X

Maamulka Somaliland oo u qaylo dirtey Ingiriiska si looga saaro wadahadalka Turkiga wasiiro deegaankooda matalaya+WARBIXIN

Hargeysa–Xasan Sheekh ayaa waxa ku socota cadaadis weyn oo kaga imanaya saaxiibada gooni goosadka iyadoo durba la amray safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliya Neil inuu Xasan Sheekh la hadlo si wasiirada uu ku sharfay SNM ee ka matalaya deegaanadooda dibedda looga saaro.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helayno ilo ka tirsan madaxtooyada Hargeysa ayaa sheegay in codsigaas loo gudbiyay safiirka Somaliya u fadhiya Ingiriiska oo ah ka kaliya ee bedeli kara arinta oo Xasan Sheekhna maqlo.

Wakiilka gooni goosadka u matalaya wadahadalada bugta ah ee aan wali ka bilaabman Turkiga Maxamed Biixi ayaa niyadjab kaga waramay sida xaalku yahay iyadoo dawlada Turkiguna diiday in ay soo faragaliso.

Warsaxaafadeed ay dawlada Somaliya ka soo saartey wadahadalka ayaa lagu sheegay in ayna rabin in la kulanka SNM burburo ujeedaduna tahay sidii dalku u yeelan lahaa hal dawlad oo shaqaysa.

Talaabada uu qaaday Xasan Sheekh ee uu ku daray dadka deegaanka ayaa lagu amaanay laguna tilmaamay siyaasad dhab ah oo ka matalaysa xaqiiqda iyadoo ayna jirin siyaasad ay isku raaceen gobolada Woqooyiga Somaliya oo ku saabsan gooni goosadnimo ee kaliya lagu heshiiyay NABAD.

Dadka badankiisa ayaa qaba in Xasan Sheekh dib u gurandoono inkastoo dadka qaarna leeyihiin doorkan waa fahmay siyaasada dalka.

Dawlada Somaliya ayaan waxba u waayayn la hadalka gooni goosadka halka gooni goosadku ku helayaan sumcad ka dhigan in ay yihiin gobol go,an oo la shiraya Somalida kale.

Waxa la sugaaba waa in Xasan Sheekh dib u gurto soona celiyo sadexda wasiir ee reer Woqooiyaga ah sida Maxamed Xaayir oo reer Burco ah, Wasiir Jangali oo reer Laascaanood ah iyo xidhibaan Dr Cilmi Nuur oo reer Awdala.

Hoos ka dhegeyso Caasha Cuud oo suaalo ku boobtey uu jawaab u waayay

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.