X

Maanta oo kale xasuuqii huteel Shaamo ee argagixisadu ku xasuuqdey waxgaradka

Toban sano ayaa ka soo wareegatay qaraxii Huteel Shaamow (3 December 2009) xilligaasoo Huteelka ay ka socotay Munaasabada qalin jebinta Ardaydii Dufcadii labaad ee Jaamacadda Banaadir oo ay ka qayb galeen Wasiiro ka socday dowladdii xilligaas jirtay, Waalidiin, Macalimiin, Arday iyo marti sharaf kale.


Intii ay socotay Munaasabadda, gaar ahaan xilligii uu khudbada jeedinayay Prof. Cusmaan Dufle oo ka mid ahaa Maamulka Jaamacadda ayaa mar kaliya waxaa dhacay qarax ismiidaamin ah.

Goobta ayaa hal mar isku bedeshay dhiig, burbur iyo qeylo, waxaana qofka xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay halka ay fadhiyeen Wasiirada oo uu bartilmaameedkiisa ahaa.


Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee Wasiirkii Hidaha iyo Tacliinta Sare Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Wasiirkii Waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeel, Wasiirkii Caafimaadka Qamar Aadan Cali, Wasiirkii dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad

Rooble oo dhaawac ka soo gaaray qaraxaas u geeriyooday, Prof. Shahiid, sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhintay Wariyeyaal Dhaqaatiir, Macalimiin, Arday iyo Waalidiin.


Dad u badnaa ardaydii qalin jebinaysay iyo waalidiin ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray.

Waxaa uu ahaa qarax ay ku hoobteen Wasiiradii ugu muhiimsanaa ee maamulka fashilka ahaa ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.


Sanado kadib argagixisada Ayaan ka hadhin dhiiga dadkeena waxayna in ka badan 500 oo qof ku xasuuqdey isgoyska Soobe ee Muqdisho.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.