Monday, July 6th, 2020
header

Maanta oo kale xasuuqii huteel Shaamo ee argagixisadu ku xasuuqdey waxgaradka

Toban sano ayaa ka soo wareegatay qaraxii Huteel Shaamow (3 December 2009) xilligaasoo Huteelka ay ka socotay Munaasabada qalin jebinta Ardaydii Dufcadii labaad ee Jaamacadda Banaadir oo ay ka qayb galeen Wasiiro ka socday dowladdii xilligaas jirtay, Waalidiin, Macalimiin, Arday iyo marti sharaf kale.



Intii ay socotay Munaasabadda, gaar ahaan xilligii uu khudbada jeedinayay Prof. Cusmaan Dufle oo ka mid ahaa Maamulka Jaamacadda ayaa mar kaliya waxaa dhacay qarax ismiidaamin ah.

Goobta ayaa hal mar isku bedeshay dhiig, burbur iyo qeylo, waxaana qofka xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay halka ay fadhiyeen Wasiirada oo uu bartilmaameedkiisa ahaa.



Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee Wasiirkii Hidaha iyo Tacliinta Sare Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Wasiirkii Waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeel, Wasiirkii Caafimaadka Qamar Aadan Cali, Wasiirkii dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad

Rooble oo dhaawac ka soo gaaray qaraxaas u geeriyooday, Prof. Shahiid, sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhintay Wariyeyaal Dhaqaatiir, Macalimiin, Arday iyo Waalidiin.



Dad u badnaa ardaydii qalin jebinaysay iyo waalidiin ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray.

Waxaa uu ahaa qarax ay ku hoobteen Wasiiradii ugu muhiimsanaa ee maamulka fashilka ahaa ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.



Sanado kadib argagixisada Ayaan ka hadhin dhiiga dadkeena waxayna in ka badan 500 oo qof ku xasuuqdey isgoyska Soobe ee Muqdisho.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.


Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Wararka xiga

Faahfaahin ka soo baxaysa gabadh yar oo meydkeeda laga helay Galguduud

July, 6, 2020
Waxa saaka gabadh yar meydkeeda laga helay geed ...

Shan qof ma goyn karto hanaanka doorashada dalka

July, 6, 2020
Iyadoo welli la sugayo nooca doorasho ee dalku ...

Iiraan oo ka nixisay Maraykanka iyo Yuhuuda: gantaalo noo aasan ayaa jira xeebta

July, 6, 2020
Sarkaal u hadlay ciidamka sida aadka u tababaran ...

Ictiraaf uma hayno xisbiyada beesha dhexe ee heshiiyay: ra’yiga reer Awdal

July, 5, 2020
Dhawaan ayay ahayd markii xisbiyada beesha dhexe ay ...

Duulimaadyada gudaha dalka oo dib loo furey iyo diyaarad soo dhacdey

July, 5, 2020
Wasaarada duulista iyo hawada ee dalka Somaliya ayaa ...


Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Dhacdooyinka

Yemeni drones hit positions deep in Saudi Arabia

July, 5, 2020
Yemen’s army says its drones have hit targets ...

Dabaaldega 1-da Luulyo iyo madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigey dhagaxtuur

July, 1, 2020
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 01-da ...

Russians set to back reforms allowing Vladimir Putin to extend rule

July, 1, 2020
Russians are set to approve constitutional reforms on ...

Waxaad is weydiin kartaa yuu afhayeen u yahay xildhibaan Cabdi Xaashi

June, 24, 2020
Maanta ayaa gudoomiyaha aqalka sare ee aan loo ...

Madaxweyne Farmaajo oo soo bandhigey wax qabadka dawladiisu gaartey

June, 6, 2020
Madaxweynaha Somaliya oo furey kalfadhiga todobaad ee golaha ...

Muuse Biixi oo fashil kadib sii daayay weriye Coldoon

June, 6, 2020
Horjoogaha maamulka fashilmey ee Muuse Biixi ayaa dib ...

Erduqaan oo ku faanay inuu geeyay hubkii ugu badnaa Liibiya

June, 4, 2020
Madaxweynaha Turkiga Erduqaan ayaa Ku faanay inuu geeyay ...