November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maayerka Selel oo xaqiijay hooyo haraad u dhimatey ilmaheediina noolyahay laakiin sidee wax u dhaceen

Maayar Xuseen Iidle mar uu ka hadlayey dad ugu dhintay haraad deegaankaas, waxa uu yidhi “Dadka ku dhintay sanadkan oo kaliya inta waliba xagaaga ah waa ilaa 9 qof oo meelo kala duwan oo deegaanka ka mid ah uu haraad ku dilay.

Arintan ugu naxdinta badnayd ee dhacday waxay ahayd haweenay sidatay ilmo-yar oo gabadh ah oo ilaa afar jir lagu qiyaasay oo iyadii haraad u dhimatay ilmihii yaraana uu noolyahay ilaa imika, taas oo ku dhimatay meel Lawyo-caddo koonfur ka soo xigta, taas oo aan ilaa imika la aqoonsanin isla markaana loo malaynayo uun inay xagaa Djibouti u socotay, gabadhaasi waxay u dhimatay ee dilayna haraad buu ahaa, taas oo u muuqatay inay waddada ka halawday, markaa ma jirto ilaa imika cid gabadhaas yar aqoonsatay”.

“Xaaladda deegaankani Alxamdulilaah waa nabad guud ahaan, wax aan abaarta ba’an ee ay dadka iyo xooluhuba aadka ugu laf-jabeen aan ka ahayn oo jiraana ma jirto, taas oo ay u dheertahay biyaha ceelasha oo aad u dheer ayey haddana dhawrkii ceel ee ay bulshadu ka cabbayeena ay cadilan yihiin intoodii badnayd.

Markaa abaartaas nagu habsatay waxaan ahayn ma qabno oo ilaa sanadkii hore jirtay oo anagu xays ayuun baanu helnaa ee guga shaqo-ba kuma lihin, isla markaana xayskii horena wuu naga baaqday”.

Mar uu u waramay saxaafada ayaa la waydiiyay in ay jiraan wax gurmad ah oo ka soo gaadhey dhinaca Boorama ama Hargeysa wuxuuna yiri ma jiraan ilaa hadda laakiin waan wadnay qaylo dhanta ilaa bishii horeba inkastoo la aaminsan yahay in abaarahani jireen muddo hal sano ka badan.

Markaa ka maamul ahaan waxaanu codsanaynaa in intii aanu marwalba ka hadli lahayn biyo la’aan in hal ceel uun naloogu tuntuunsado oo Mishiin naloogu soo iibiyo ayaa ka quruxbadnaan lahayd waayo biyaha hadii imika la dhaamiyo hadana bil ka dib dhibaatadu halkii ayuun bay taagnaanaysaa, markaa waxaan ku baaqayaa in ceelashada cadilan ee mishiin la’aanta la cadilan in mishiino naloogu keeno insha Allaah.

Markaa arrintaasi waxaan kaga baxayaa ha loo soo gurmado bulshadan oo hay’adaha gargaarkuna ha soo gaadhaan, isla markaana cidkasta oo gacan ka gaysan kartaana ha soo gaadho, waxaanan halkan uga mahadnaqaynaa dawladda aanu jaarka nahay ee Djibouti oo iyadu dhawrjeer noo soo gurmatay, taas oo qalabkii iyo wiishkii noo keentay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM