X

Macalin dugsi oo ardaydiisii ku dileen deegaan u dhow Gaalkacayo

Wararka caawa oo Axada laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi lagu diley macalin dugsi Quraan oo weliba dilkaas ay gaysteen isla ardaydii uu wax baraayay. ”Dilka waxa gaystey laba wiil oo hadda la xaqiijay in la qabtey.


Waa dhacdadii ugu horeysay ee arday ay dilaan isla macalinkii Quuraanka baraayay. Macalimiinta Quraanka caruurta bara ayaa inta badan aan lahayn akhlaaqda wax loo baro caruurta, taas oo keenta inay nacsiiyaan waxbarashada.


Macalinkan la diley ayaa lagu magacaabi jirey C/salaan Maxamuud Ilkaweyne waxana la sheegay inuu caan ka ahaa deegaanka lasgu diley oo lagu magacaabo Laankadawo. Xilliga la dilaayay ayaa la sheegay inuu hurday waxayna u adeegsadeen saaf iyo biro kale.


Labadii ciyaal malcaamad ee dilka gaystey ayaa lagu wareejay ciidanka si looga waraysto waxa ku kalifay dilka oo ay dhici karto inuu dili jirey amaba si kale wax u jiraan. Waxa da’dooda lagu sheegay 11 iyo 12 jir.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.