X

Qiso naxdinleh: haweenay aroos ka cadhootey oo buti ku cuntay duurka

Waa dhacdo naxdinleh oo ka dhacday dalkaasi Ruushka waxayna ku dhacday gabadh lagu magacaabo Yana. Sida ehelka Yana soo weriyeen waxa Yana ka qayb-gashay aroos ay lahaayeen saaxiibteed.


Waxa Yana la raadinaayay ilaa bisha hore labadeedii markii ay si cadho leh uga baxday arooska una carartey dhinaca keynta oo guriga aroosku u dhawaa. Waxa la sheegay inay luntey oo dhowr mar soo dirtey telfoon deg-dega isla habeenkaba kadibna subaxdii balse la garan waayay halka ay joogto.

Waxa ugu dambeyn cuntay buti ama waxa afka qalaad lagu yiraa bear. Yana ayaa waxa muran dhexmaray mid ka mida martida arooska waxayna arooska uga baxday cadho, ayadoo u carartey dhinaca keynta.


Kooxaha gurmadka ayaa isticmaalay EYDA waxa urisa, waxase dhacday inay Eydu dib u soo boodo oo cabsato markay is dhex gashay urteeda iyo tii butida.


Urtii ayaa markii dambe la gashay buti iyo caruurteeda, taas oo halis gelin gaartey kooxaha gurmadka oo dib u soo cararay. Aabaha dhalay ayaa isagu eedayn u jeediyay dadka qaban-qaabiyay arooska oo uu sheegay inuu uga digey gabadhiisa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.