Waxa shalay la soo faafiyay muuqaal yar oo la sheegay in dhalinyaro ku gubayaan calanka qaranka magaalada Boorama. Haddayba dhacdo su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah ma Hargeysa iyo Burco oo calanka laga gubin miyaa Boorama lagu gubi karaa?
Jawaabta su’aasha ah ayaa ah MAYA waayo dadka reer Awdal maaha dad cabasho ka qaba ummada Somaliyeed ama qabiilada kale ee Koofurta cuqdad u qaba ama Muqdisho cuqdad ka qaba. Hadday jiraan cabasho noocaasa waxaan maqli lahayn 30-kii sano ee u dambeeyay.
Wayse jiraan caade qaateyaal qayb ka ah maamulka beesha ISAAQ ee la baxay Somalilaan ee Boorama loogu dhisay si nabada gobolka loo adkeeyo maadaama dawladnimadii burbur ku yimi, oo yiri Somalilaan waa go’day.
Hadda waxaad is weydiin kartaa yay ahaayeen kuwa calanka ku gubey Boorama?. Dhalinta magaalada Boorama waxay sheegeen inayna haba yaraatee dadkaa watey calanka beesha ISAAQ ayna hal-qofna ka garanayn lakiin ay ahaayeen dhalin iyo haween afka duuban oo Muuse Biixi ka soo direy Hargeysa.
”Runtii reer Awdal waxay cabasho dhan walba ah ka qabaan SNM oo 1991 degmoyinka Boorama iyo Dilla ku xasuuqay dad gaaraya 1700 oo qof.
”Markaa hadday cabasho jirto waxaan ka qabnaa maamulka Somalilaan ee aan Boorama ku dhisney ee mar sheegan jirey inay go’een laakiin hadda riyadaasi ku hadhay oo keliya INGIRIISKA IYO MARAYKANKA markay dantooda ka waayaan dawlada dhexe ayuu yiri Xuseen Warsame.
”Qofna waan ka garan waayay caruurtii iyo dumar af xidhnaa oo aan daawaday ayuu yiri Axmed Maxamud. Goormaan diidney calanka qaranka, haddii calan qabiil la ruxayo dee reer Awdal calan ayay leeyihiin waana ka Awdalstate ayuu raaciyay.
Waxay ahayd arin fashilantey oo la rabay in lagu aaso codkii gobolku ugu dalbaaldegeeg calanka 26 Juun iyo kowdii Luulyo labadaba.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay