X

Madasha siyaasada dhaqaalaha oo Muqdisho lagu daahfurey: SAWIRO

Madasha siyaasada dhaqaalaha ayaa Muqdisho lagu daahfurey. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Ganacsato, Xubno ka socda Jaamacadaha Dalka iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.


Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay Daraasado ku aadan halka uu marayo dhaqaalaha dalka xiligan iyo sidii loo jiheyn lahaa, iyadoo Wadajir la iskaaga kaashanayo sidii loo hormarin lahaa ilaha Dhaqaalaha loogana gudbo Waxyaabaha caqabadaha ee hortaagan hormarka Dhaqaalaha Dalka.


Qodobada laga hadlaayo ayaa waxa ku jira Kobaca Dhaqaalaha, Hanaanka loo hirgalin karo, Maalgahshiga dalka, La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Sidii looga qeyb qaadan lahaa hindisahaasi.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.