X

Dhacdada wiil Balcad ugu dhintey moobil dartii

Dhacdada wiil Balcad ugu dhintey moobil dartii. Dadka deegaanka ayaa ku waramay in wiil dhalinyaro in wabigu liqay kadib markii uu sharad ku galay in wabiga dhinaca kale uga gudbaan.


Sharadka uu la galay wiilka kale ayaa ahaa in qofki ka gudba wabiga uu helayo moobil kuwa casriga ah, waxase dhacdey in wiilkii kale ka gudbey isagiina uu ka gudbi waayay.


Waa dhacdo naxdin leh oo dadkii ka ag dhawaa aad uga naxeen ilaa hadana waxa lagu jirey sidii looga soo saari lahaa, wabiga socda.

Dadweyne aad u farabadan oo ku soo xoomey goobta ayaa ka warsugaya in la helo wiilkan. Lama garan karo waxa ciidanka boolisku u xireen wiilkii la tartamay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.