X

Madaxa ciidanka Nukliyeerka ee Maraykanka oo Trump maqli doonin iyo sababta

Madaxa ciidanka Nukliyeerka ee Maraykanka ayaa sheegay inuuna Trump maqli doonin. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Joon ayaa isagu madax u ah ciidanka ugu awooda Maraykanka.

Joon ayaa sheegay haddii Trump amro inaan nukliyeer ku garaaco dal intaasi noqonaysa MAYA ilaa la fiiriyo khatarta dalkaasi ku hayo Maraykanka.



Trump ayaa ah nin aan la isku halayn karin oo Woqooyiga Kuuriya ugu hanjabayo inuu nukliyeer ku garaacayo haddii la soo weeraro. Kuuriyada Woqooyi ayaa haysata awood ku garaacdo Maraykanka.

Hadalka Trump ee ah inuu Nukliyeer ku garaacayo Kuuriyada Woqooyi ayaa ka nixisay dadka Maraykanka iyo siyaasiintoodaba, waxayna taasi keentay in lagu baaqo in furaha nukliyeerka laga aamino qofkale.



Sida caadiga Trump ayaa haya furaha ugu dambeeya waana isaga qofka amraya in la rido hubkaasi khatarta ah. Joon ayaa sheegay in uu Trump u sheegi doono inay jirto dhinac kale oo looga wareegi karo intii nukliyeer la isticmaali lahaa.

Waa markii ugu horeysay oo awooda noocaasa laga doodo madaxweyne Maraykana muddo aad u fog tana waxa ugu wacan ayadoo dad badani aamini Karin Trump.



Trump ayaa sidii caadiga ahayd welli twiterka kaga jawaabin hadalka madaxa ciidanka cirka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.