X

Gudiga doorashooyinka Somaliland oo lumiyay kalsoonidii lagu qabey dib ma loo aamini karaa

Gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa lumiyay kalsoonidii lagu qabey dibse ma loo aamini karaa waa s’aasha dad badan is waydiinayaan kadib markii guddigu qirtey wax isdaba marin.



Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iiman ayaa warbaahinta horteeda ka qirtay lahaanshaha Buugaagta Codbixinta ee gacantooda ka baxay mase sheegin sida ay gacantooda uga baxdey.

Ma oran waan dabagalayaa taas oo ku adkaanaysa guddi noocoodan oo kale inay leeyihiin khibrada iyo aqoonta ay ku baari karaan khiyaamo noocana haba fududaatee.

Gudoomiyahan ayaa been lagu lagu qabtey kadib markii uu dafirey inuu buugaasi jiro kuna tilmaamo inuu sharciga la tiigsan caqligiisana la xadey.



Su’aashu waxay noqonaysaa maxaa xiga, guddi sidana sidee loo aamini karaa, waxayse ku quruxbadneyd in is casilaan maadaama hadda ayna jirin cid kalsooni ku qabta.

Wuxuu guddigu amaanay C/raxmaan Ciro ayagoo ka rajaynaya inuu dib u maqlo. Waxaan shaki ku jirin in xisbiga Waddani guushu raacdey waxase wanaagsan in guddigu isku daboolaan rajada uu siiyay mushartax Ciro una qiraan guusha.



Haddii taasi dhici weydo waxa abuurmaya khalkhal siyaasadeed oo gobolku u baahneyn waxana masuul ka ah guddigan fashilmey ee haddana la siiyay fursad kale oo ku asturaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.