X

Madaxa Galmudug Sheekh Shaakir oo la kulmey gudoomiyaha gudiga doorashada: SAWIRADA

Madaxa Galmudug Sheekh Shaakir ayaa la kulmey gudoomiyaha gudiga doorashada Xaliimo Yarey oo warar is khilaafsan ka soo baxeen in la xirey shalay iyo inkale.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Odayaal ka soo jeeda deegaanka ayaa kulan ugu tagay guri Magaalada Dhuusamareeb ay ka degan tahay.



Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay inay ka xun yihiin qaladka ka dhacay ilaalada Xaliimo Yarey laakiin beeniyay in la xirey. WAxay sheegeen in amniga oo la adkeeyay awgeed at isku dhaceen qaar ka tirsan ilaaladeeda iyo ciidanka amniga.



Xaliimo Yarey ayaa aqbashay in looga soo hoyday qaladkii ay ku xanibeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada Dhuusamareeb,



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.