X

Madaxweyne Farmaajo oo ka soo degay garoonka Gaalkacyo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo degay garoonka Gaalkacayo. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay boqolaal ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo.

Shacabka magaalada oo isku duuban iyo masuuliintooda ayaa madaxweynaha u sii galbiyay dhinaca magaalada.



Waxa kale oo soo dhaweynta ka qaybqaatey wasiirka Arimaha Gudaha, Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Maalmaha soo socda ayuu ku sugnaan doona magaalada halkaas oo uu kulamo kala duwan la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshadda.



Madaxweynaha ayaa wada qorshe magaalada hal maamul loogu samayn lahaa si dadku u helaan wax u adeega.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.