X

Madaxa Hirshabeele Maxamed Waare oo war ka soo saaray shir Nayroobi ka dhacay

Madaxa Hirshabeele Maxamed Waare ayaa war ka soo saaray shir Nayroobi ka dhacay oo ay galeen ajaanib iyo qaar ka mida horjoogeyaasha maamulada gobolada dalka. Maxamed Waare ayaa sheegay in aan la aqbali doonin shir ayna ku jirin Hirshabeele.


Waxa jira shir kale oo horjoogeyaasha qaarkood lumiyeen hogaamintii gobolka ay ku yeelayaan Garoowe kaas oo uu sheegay in Hirshabele ka qayb geli doonin.

Hirshabeele ayaa iyagu sheegay in aan jeebka lagu wadan doonin oo ay xor u noqon doonaan siyaasada gobolkooda meelna uga socon wada shaqaynta dawlada dhexe.


Maxamed Waare ayaa tabtey in Hirshabeele iyo dawlada dhexe uu ka dhexeeyo xiriir fiican sidaana u socon doono waayo danta dadka aan matalo ayaa ku jirta waana dawladeenii ayuu raaciyay.

Waxay u muuqataa in horjoogeyaasha gobolada Puntland, Jubba oo qaara iyo Shariif Xasan iskugu soo hari doonaan golihii aan markii horeba faaiiidada lahayn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.