X

Somaliland oo furtey shir ay ka soo qaybgaleen saaxiibada taageera iyo ujeedada: SAWIRO

Somaliland aya Hargeuysa ka furtey shir ay ka soo qaybgaleen saaxiibada taageera oo la sheegay inuu soconayo ilaa berito oo Khamiisa. Shirka ayaa waxa yimi waftiyo hoose iyo hay’ado ka hawlgala dhamaan Somaliya guud ahaan.

Waxa furey Muuse Biixi waxa ujeedada lagu sheegay mid looga hadlayo guulaha maamul ee la gaaray mudadii la raadinayay ictiraafka oo welli ku xiran dawlada Somaliya.


Somaliland ayaa waxa ka dilaacay jabhad uu hogaamiyo Jeneral Caare taas oo wax u dhintey sumcadii nabadeed inkastoo welli dagaal toosa dhicin.

Waxa iyana shirkan ka maqnaa gudoomiyaha xisbigha Wadani C/raxmaan Ciro.

”Adeer waxaan ku faanaa nabadaa yar ee aan haysano tiina caga badan Kuma taagna haddii maamulka jiraa ee Muuse Biixi dhegeysan waayo dhawaqa dadka iyo kalalahaanshaha Somaliland ayay tiri hooyo ku nool Hargeysa

Shirka waxa soo qaban qaabiyay Sacad Cali Shire oo ah wasiirka arimaha dibedda dadka yimidna waa hay’ado iyo wakiilo hoose oo iyagu Somaliland kala shaqeeya arimaha horumarka.


”Waxaan maanta muujinay in Somaliland waxba yaan la qabane laakiin ay tahay meel nabadi ka jirto oo loogu helayo saansaan dawladeed ayuu yiri Cabdi Xuseen oo ah oday ka mida martida lagu casuumey shirka.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa qaba in shirkan waxba faaiido u lahayn Somaliland ee Somaliland u baahan tahay in siyaasiyiintooda ka dhigaan gobolka meel dadka wada degan dareemi karaan inay wada leeyihiin.

Taas ayaa keeni jkarta ictiraaf gudeed inta aan loo gudbin mid shisheeye laga raadiyo ama dawlada dhexe ee Somaliya oo hadda wadamadii taageeri jirey Somaliland ku riixaan inay kala hadlaan.


Siyaasiyiin ay ku jirto Adna ayaa iyagu qaba haddii la helo dawlad xalaala oo Koofur ka dhalata ay dib wax ula qaybsan karaan Somalida kale.

Soo diyaarintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.