X

Madaxa Puntland oo markii ugu horeysay la kulmey ehelada Caasha Ilyaas

Msdaxa Puntland Siciid Deni ayaa markii ugu horeysay la kulmey ehelada gabadhii yarayd ee sida xun loo jarjaray jirkeeda kadibna la diley oo welli cadaalad sugeysa. Wararka ayaa sheegaya in qabiilku hor taagan yahay inay cadaalad hesho.


Siciid Deni ayaa sheegay in gacanta lagu dhigey dadkii falkaa wuxuushnimada gaystey oo ah kuwii dad ugu dhawaa dhawaana maxkamad la horkeeni doono.

Puntland ayaa dib uga noqotey rag kale oo kufsi ku eedaysnaa oo markii hore dil lagu xukumey hadana loogu bedelay xabsiyo kala duwan.


Kiiska Caasha oo raagey ayaa la sugayaa halka uu ku dhamaado iyo inay ugu dabeyn hesho cadaalada ay xaqa u leedahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.