X

Sirta ka dambeysa weerarkii argagixisada ee Balcad oo la ogaadey

Fiidnimadii xalay ahayd markii argagixisads shabaab oo inta badan maalintii afka furta habeenkiina afka qarsada ay soo abaabuleen weerar kadibna la yiri waxa magaalada ka baxay ciidankii dawlada. Sida caadiga ah waxay sheegtaan inay maxaabiis sii daayeen ayadoo la ogyahay inayna iyagu jeel lahayn oo wqxoodu yahay ama dil ama sii deyn.


Hadaba fadeexadaa ka dhacdey Bakcad oo la rabay in Amisom aduunka u tusto in haddii ay baxaan dalku u gacan galayo argagixusada ayaa u shaqaysay dhinaca kale.

Taliyaha xooga dalka Indha qarshe ayaa sheegay in fuleyda Amisom ku daba dhabaraan askarta qaawan ee xooga dalka oo mishahar qaata laakiin loo diidey in la siiyo hubka ay xaqa u leeyihiin.


Amisom oo xasilooni keentay hadana ma keeni karto dawladnimo buuxda ilaa ciidanka qaranka laga shaqaysiiyo. Fadeexadii ka dhacdey Balcadna waxay dusha uga dhacaysaa Amusom oo cidla kaga dhaqaaqdey askar Somalyeed ee haysta waxa argagixisadu haysato.

Ujeedadu waxay ahayd in kuwa mucaaradka sheegta ay ku xumeeyaan dawlada ayuu yiri Cali Caliyow oo Muqdisho jooga laakiin waxkasta oo dhacay waxa iska leh Amisom oo hubka waaweyn iyo lacagta isku haysta.


Waxaad is weydiin kartaa xiriir intee leeg ayaa ka dhexeeya dhiigmiiratada iyo Amisom siiba kuwa Yugaandha, Burundi iyo Kiiniya oo isku dayaaya inay curyaamiyaan dawlad xoogleh oo ka dhalata dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.