12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxa Somali galbeed oo go’aano soo saaray ku aadan yaraynta Kooro

Madaxa Somali galbeed  Mustafe Cagjar ayaa soo saaray go’aano lagu yaraynayo faafida cudurka Kooro oo Itoobiya soo galay inkastoo welli ayna jirin cid u dhimatey. Itoobiya ayaa dhawaan joojisay duulimaadyada dalka dibediisa u baxaya inkastoo kuwa gudaha welli furan yihiin.




Qoraal uu soo saaray Mustafe Cagjar ayaa lagu joojiyay dhamaan gaadiidka gobolka soo galaya iyo kuwa ka baxaya. Gaadiidka soo galaya ayaa ka mida kuwea sida raashinka, daawooyinka iyo inta muhiimka ah.



Amarkaan ayaa dhaqangalaya maanta oo Arbaca ah. Gaadiidka sida alaabaha muhiimka ah ayaan la ogolayn in xamuul kale soo raacaan aan ka ahayn caawiya dirawalka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS