X

Madaxa Somali galbeed oo la kulmey ugaaska guud ee Samaroon: SAWIRO

Madaxa Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa la kulmey ugaaska guud ee Samaroon Ugaas C/rashiid. Kulanka ayaa ka dhacay qariga ugaasku ka degan yahay Jigjiga. Waxa lagu lafogurey kulankaas sidii looga shaqayn lahaa horumarinta gobolka iyo doorka ay ku leeyihiin waxgaradka Samaroon ee Ugaasku ugu horeeyo.


Waa kulankii u horeeyay Madaxa Somali galbeed uu la qaato ugaska beelaha Samaroon. Ugaaska ka mahadceliyay booqashada madaxweynaha dawlada Somali galbeed balana qaadey inuu dhankiisa ka wado hawsha guud ahaan u taala dadka iyo dawlada oo wadajira.


Gobolada balaaran ee Samaroonku dego ayay aad ugu yartahay dhinaca horumarku waxayna ka mid ahayd wixii la taabtey, inkastoo kulanku isbarasho u badnaa.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.