Madaxa Somali galbeed Mustafe Muxummed ayaa magacaabay golihiisa wasiirada oo ka kooban 24 wasiir iyo laba maareeye.
Wasiirada ayaa xad dhaafa ayadoo jagooyinka ay hayaan qaarkood yihiin kuwo isku dhow ama hal wasaarad laga dhigi karo.
Golahan ayaa la horgeyn doonaa barlamaanka dawlada Somali galbeed oo la filaayo inay ansixiyaan. Waxa jirta cabasho xoogan oo ka timi magacaabistiisii ugu horeysay ee Mustafe Muxumed sameeyo oo reerkiisu wixiiba qaatey.
Waxa la yaaba in ay ku jiraan jagooyin wasiir loo xilsaaray sida wasiirka dooxooyinka, xeer ilaalinta, xoolo dhaqatada, telefishanka, iyo dhaqanka.
Hadaba hoos ka akhri liistada uu u gudbiyay xisbiga qaybtiisa fulinta.
1- Madaxweyne Ku/xigeen Mudane Aadan Farax Ibrahim
2- Wasiirka Biyaha Mudane Bashiir Shaafi
3-Wasiirka Maaliyadda Mudane Bashir Dubad
4- Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xasan Dhaadhi
5-Wasiirka Waxbarashada C/laahi Maxamed Muuse
6-Wasiirka Caafimaadka Dr Yusuf Maxamed
7-Wasiirka Beeraha Mudane C/qaadir iimaan
8-Wasiirka Howlaha Guud Mudane C/fatax Sh Biixi
9-Wasiirka Ganacsiga Mudane C/raxmaan Axmed Xasan
10-Wasiirka Ka-hortaga Masiibooyinka Mudane Maxamed Cabdi
11-Wasiirka Qurbajoogta Mudane Xabiib Xaaji
12-Wasiirka Xeer-ilaalinta Mudane C/wali Jamac Ibrahim
13-Wasiirka Xoolo Dhaqatada Eng Maxamed Shaale Isaaq
14-Wasiirka Cadaalada Mudane Mubaarak Sh Cumar
15-Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Mudane Xasan Aadan
16-Wasiirka Haweenka Marwo Ayaan Cabdi Shukri
17-Wasiirka Warfaafinta Guuled Aw Cali
18-Wasiirka TVET Mudane C/raxmaan Liid Daahir
19-Wasiirka Dooxooyinka Mudane Axmed Deeq Maxamed
20-Wasiirka Sayniska Mudane Axmed Naaji
21-Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska Mudane Ilyaas Abiib
22-Wasiirka Macdanta, Tamarta Mudane Lade C/wali
23-Wasiirka Dhalinyarada Mudane Xasan Faarax Cali
24-Maareeyaha Wakaalada, Jidadka Sacaada Giire
25-Maareeyaha Wakaalada, Dakhliga Mudane C/laahi Cabdi
Soo akhrintii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS