X

Madaxda Afrika ee shirka uga socdo Addis ababa oo daawadey taalo loo taagey boqorkii Xayle salaase

Madaxda Afrika ee shirka uga socdo Addis ababa ayaa daawadey taalo loo taagey boqorkii Xayle salaase ee uu diley Mingeste sanadii 1975 kadib markii koox uu ku jirey ay xukunkii boqortooyada afgambiyeen. Wixii intaas ka dambeeyay waxa Itoobiya noqotey xukun milateri oo askarti iska daba marto.


Markii Mingeste xukunka laga tuurey sanadii 1991 waxa dalku u gacan galay koox ka kooban qabiilada dalkoo dhan oo ay hogaamiyaan Tigree.

Xayle Salaase waxa xukunka ka tuurey Talyaanigii oo isku aruuriyay qabiilada dalkaasi waxyar ka hor dhamaadkii dagaalkii labaad ee gaalada cadaanka ay ku diideen is balaarsigii Hitler iyo Musalini.


Xayle salaase ayaa ugu dambeyn wejihi kari waayay gulufkii Talyaaniga oo ay ku jireen Somalida oo dhan una baxsadey Jabuuti ugana sii gudbey Filistiin maadama xiriir diimeed ka dhexeeyay Yuhuuda joogtey halkaas isaga iyo xaaskiisa kadibna tagey Ingiriiska.

Markii ay soo dhawdahay diciifnimadii Talyaaniga iyo Jarmalka waxa Ingiriisku bilaabey isagoo wata Itoobiyaan iyo Koonfur Afrikaan iyo dalal badan oo Afrikaana inay Talyaaniga ka saaraan marka hore Woqooyiga Somaliya kadibna u gudbaan Somali galbeed, sidaasna ku gaaraan Addis ababa.


Xayle salaase ayaa Itoobiya dib ugu soo noqdey 1942 shan sano kadib baxsadkiisii isagoo ka soo galay xadka Itoobiya iyo Suudaan. Waxa Xayle Salaase aad u caawiyay Maraykanka madow oo diin ahaan caabuda kuna qasbey Maraykanka inuu taageero dib u xoreynta Itoobiya.


Taalada maanta madaxda Afrikaanku daawadeen waxba ma soo kordhinayso aan ka ahayn inay tahay in qaarkood si gaara u taageeraan Xayla Salaase inkastoo Xayle Salaase ka shaqeeyay xoreynta dalal badan oo gaalada cadaanku gumeysteen oo ayna ku jirin Somalida laakiin loogu abaalgudey Somali galbeed.

Sawirka hoose waa Xayle Salaase oo ka soo degay Falastiin markii uu ka soo baxsadey Talyaaniga

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.