Madaxda dawlada ayaa ku tukaday marxuun Nuur Xirsi Warfaa oo ahaa wasiirkii warshadaha oo xalay ku geeriyoodey isbitaal ku yaal Muqdisho. Allaha u naxariistee waxaa Nuur lagu xasuustaa qudbad qiimo leh oo uu ka jeediyay London.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha aqalka Sare, xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay Salaadda Janaasada ee lagu dukaday Marxuumka geeriyooday.
Salaadda ka dib ayaa Madaxda qaranka u duceeyeen Marxuumka, waxaana Alle ay kaga baryeen inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo sidoo kalana uu Samir ka siiyo Qoyska iyo Ehelada uu ka baxay.
Wasiirkii hore ee Dekadaha ayaa mudooyinkaanba wuxuu ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho waxaana uu geeriyooday Saaka aroortii hore.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay