Allaha u naxariistee waxa xalay saqdhexe Ku geeriyooday magaalada Muqdisho fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame oo muddo dheer u jiifay xanuun. Inkastoo dibedda loo qaaday haddana laguma guulaysan in wax laga qabto xanuunkiisa.
Fanaanka ayaa ka tagay caruur farabadan oo qaarkood yihiin fanaaniin. Cabdi Tahliil ayaa leh taariikh mugweyn wuxuuna Ka mid ahaa dadka u soo halgamay dalka.
Intaanu u soo wareegin kooxda Waaberi wuxuu Ku jirey kooxda Onkod. Heesihiisa ugu caansan waxa Ka mida Onkod roobku na daayo waxase u sii dheer heesaha wadaniga oo kaalin weyn uu Ka qaatay.
Madaxweynaha Somaliya iyo raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tacsida u direy ummada Somaliyeed gaar ahaana qoyska uu Ka baxay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay