X

Madaxtooyada Somaliland, Manaxayaal Bukaankii Dawadii & Daryeelkii u Diidey: Caasha Jaamac

Madaxtooyada Somaliland, Manaxayaal Bukaankii Dawadii & Daryeelkii u Diidey: Caasha Jaamac

Madaxtooyada Somaliland, Manaxayaal Bukaankii Dawadii & Daryeelkii u

Diidey ayaa Dudada u fadhiya, oo Dalqada Doollarka uun arkaa, oon Naxariis

& Dadnimana aan u damqanayn ee Dalkii & Dadkiiba Dubtoo Daawaha Wada

Saaray.

Madaxtooyada Kuwa ku Dibiray, ee Sidii Gafanaha Xaaraantiina daaqay, ayaa Dadkii Bukey Dawdadii & Daryeelkii u diiday.

Madaxtooyada Kuwa aan Diir naxayn, oo Abaarihii & Gaajadii & Cudurkii aan Caawimo ka geysan, ayaa Caawimadii Xirsi

& Wadani u geeyeen Ciidan & Duub cas & Qori ugu diiday.

Madaxtooyada Kuwa Masaakiinta Duudsiya, Kuwa Xooloohooda Daaqa, Kuwa Xabad & Xadhig & Xoogba ugu sheegtaa

ayaa Xaaraanta & Xumaanta ku jaqa, oo Ilaahayna Xisaabin doono.

Madaxtooyada, Dumar Ma Xishoodayaala oo Xayadii ka tegey, & Kuwa Xigto & Xigaala oo Xaaraanta kuna daaqa, ayaa

Xisaabtii Aakhiro & Xabaashiiba Ilaaway.

Madaxtooyada Ku Fadhiya, Dadkii Bukey Dawadii u diideen, oo Abaartii ay Dadkii Gargaarkii uga dhaarteen, ee Taloow

Aduun & Aakhirana Maxay Ilaahay la hor joogsan.

Madaxtooyada Kuwaa ku dibiray, ee Xaaraanta & Dulmiga & Xaqdarada Xoolahoon ku cunayaa, Alla Maxay Aduun &

Aakhiraba Ilaahay uu abaal marin doonaa.

Madaxtooyada Dumar aan Xishoon & Kuwa Dibiray oo Daaqa Xoolaha Umada, oo Xaaraantaa ku Faana oo Xisaabtiiba

Ilaaway.

Madaxtooyada Ku Fadhiya, Dadkii Bukey Dawadii u diideen, oo Abaartii & Dadkii gargaarkii uga dhaarteen, ee Talow

Aduun & Aakhiraba Maxay Ilaahay la hor joogsan.

Madaxtooyada, Qaar Manaxayaal, oon Diir Naxayn, oo Daalimiina, oo Daaqa Doollarkii & Duunyadiiba oon Daai,inkii

abuurtay & Daartii Aakhiraba Danayn, ayaa Dadkii Bukey Dawadii uba diiday.

Taloow, Madaxtooyada, Siilaanyo, Aamina Weris, Moorgan & Maxamuud Xaashi & Samsam & Cali Mareexaan, waa inta

Xukunka Wadanka gacanta ku haysa, waa inta Dadkii Shicibka ahaa Abaartii u gurman waayey, Saylici isaga tiisa dayac

oo aamansi & Caajis ayaa Kursigiisa ku diley, Bal Hadaba, Maxamuud Xaashi & Cali Mareexaan, markay arkeen inuu Xirsi

uuga naxariis badatay, uuga Firfircoonaaday Gobalada Bari, gaar Gobolka Saraar ee Caynaba, Markuu Xirsi tego waxay

u diyaariyaan Ciidan, hore waa kuwii uga hor joogsaday inuu Caybao galo, ee Suldaankii Raali gelin ka bixiyey.

Laakiin, Maxamuud Xaashi Muhanaf, & Cali Mareexaan, kuwa Dadka Buka yidhi ha madhaan ee Dawada u diida, oo

markii horana Gargaar & Abaartii aan waxba u geyn, Reer Caynaba Jawaab Degdeg ah ka bixiyaan.

Sidaas Darteed, Gobolka Saraar & Reer Caynaba haka Jawaabaan, Madaxtooyada Wasiir Maxamuud Xaashi & Cali

Mareexaan, waxa ay la rabaan ee ah inay madhaan, oo aan abaar loogu gruman, oon Xanuun & Shuban loogu gurman

ee la doonayo in Abaar, Haraad, Gaajo & Cudur dhameeyo, oo Madaxtooyadii u gurman lahayd waxay siiso daayo, xiita

wixii loo keenay ay qori & ciidan u adeegsato oo ay ka hor joogsatay, Xirsi, oo Dadnimo & Diintuba ka soo hor jeedo.

admin:

This website uses cookies.