November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Madaxweynaha Galmudug oo dalbaday in Amisom la keeno deegaanada ka tirsan

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha GalMudug ayaa xusay inay muhiim tahay in laga wada qeybgalo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada oo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay howlgalka kaalin muhiim ah ka qaataan.

Madaxweynaha oo arrinkan ka hadlaya ayaa yiri “Ciidamada GalMudug keligood kuma filna dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada, waxaana muhiim ah in la iska kaashado oo ciidamda Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay deegaanka GalMudug u soo gurmadaan si howlgalka u noqdo mid miro dhala oo u horseeda amni waara iyo xasilooni ka dhalata deegaanda GalMudug.”

Madaxweynaha oo ka hadlaya qorshaha xasilinta ayaa sheegay inay jiraan deegaano fara ku turis ah oo loo baahanyahay in si deg-deg ah looga howlgalo. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Dowladda GalMudug waxaa ka go’an in dhamaadka sanadka 2015 dhammaan deegaanada GalMudug ay gacanta Dowladda soo galaan oo kooxaha nabad-diidka laga saaro. Deegaanadaas haray ayaa waxaa ka mid ah Xarardheere Ceeldheer iyo Galhareri.”

Madaxweynaha GalMudug ayaa sidoo kale sheegay in shacabka GalMudug ay si aad ah u garab istaageen ciidamada. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Waxaan shacabka GalMudug uga mahadcelinayaa taageeradooda joogtada ah oo ay u hayaan ciidamada iyo Dowladda Galmdug. Waxaana shacabka ugu baaqayaa inay taageeradooda sii xoojiyaan, isla markaasna ay u gurmadaan wallaalahooda ku waxyeeloobay dagaaladii maanta. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa shacabka ay ciidamada kala shaqeeyaan sugida amniga iyo nabadeynta.”

Camaara iyo Bacaadweyn ayaa ah goobo istraatejiyad ah oo u dhaxeeya degmooyinka Cadaado iyo Hobyo oo labadaba muhiim u ah GalMudug.

“Howlgalka maanta waa bilowga qorshaha xasilinta deegaanada GalMudug bacdamaa aan mudnaanta koowaad siinay amniga iyo nabadeynta deegaanada GalMudug. Camaara iyo Bacaadweyn waa tuulooyin muhiim u ah deegaanka oo goobo istraatejiyad ah ku yaala, waxaana rajeynayaa in shacabka deegaanka gaar ahaan ganacsatada ay ka faa’iideysan doonaan fursadan goobaha istraatejiyada ah loogu soo celinayo gacanta shacabka iyo Dowladda GalMudug.”Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey dhalinyarada la marin habaabiyey inay fahmaan inay heystaan fursad ay qoryaha isaga dhigaan oo ay nabadda ku-qaataan. Waxaana ugu baaqayaa shacabka inay kaalintooda ka qaataan sidii wiilashooda ay nabada u qaadan lahaayeen. Sidoo kale shacabka deegaanka waxaan ugu baaqayaa inay dowladda kala shaqeeyaan dib-u-heshiisiinta oo furo u ah horumarka iyo nabadeynta GalMudug.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM