Madaxweynaha ismaamulka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horeysay ka Hadley rabshadihii ay abuureen askartii dawlada dhexe ee saakadii hore qabsaday goobaha muhiimka ah ee maamulka.
Ayadoo xaaladu hadda degan tahay aanan la ogeyn in heshiis laga gaaray wixii marka hore keenay askarta. Wuxuu ku baaqay inĀ taageereyaashiisa is dejiyaan. Ma sheegin in wadahadal lagu dhameeyay arintii ama murankii soo kala dhexgalay isaga iyo dawlada dhexe.
Wuxuu sheegay in dad ku dhinteen rabshadihii. Xaalka magaalada ayaa degan inkastoo aad loo cambaareeyay falka diinta ka baxsan ee lagula kacay dadka aan waxba galabsan ee deganaa magaalada.
Si kastaba ha ahaatee talaabada ciidanka loogu soo direy ismaamulka Somalida ayaan aad loo soo dhaweyn Somali iyo dibedba. Waxayna ka hor imaanaysa isbedelka uu sheegtay Abiy Axmed.
Waxa dadku is waydiinayaan maxaa xigi doona, waxayna fiirsanayaan talaabada uu qaado Abiy Axmed.
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=U77zdak6RdA[/embedyt]
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay