Kadib doorashadii xalaasha ahayd ee ka dhacdey maanta magaalada Dhuusamareeb ayaa madaxweynaha Somaliya hambalyo u direy musharaxa ku guulaystey doorashada ee Axmed Cabdi Qoorqoor.
Waxa isna madaxweyne ku xigeen loo doortey Cali Daahir Ciid. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay sida doorashadu u dhacdey uguna baaqay jufooyonka halkaa degan inay Ka shaqeeyaan sidii loogu adeegi lahaa dadka.
Doorashada ayaa soo xirtey muran dheeraaday oo ku saabsanaa maamul u samaynta Galmudug oo waqti badan iyo lacag ay uga baxday dadka iyo dawladaha.
“Waxaan waxa inoogu wacan waa nidaam aan loo codeyn oo dadka hoosta ay uga soo geliyeen gaalo ayuu yiri Cali Calasow.
Safiirka Maraykanka ee isagu dusha ka xukuma dalka ayaa sheegay inay taageersan yihiin doorashada xalaasha ah ee ka dhacdey Dhuusamareeb.
Waxa iyaguna soo dhaweeyay doorashada maamulada Hirshabeele iyo Koofur Galbeed. Madaxa cusub ee Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa isna sheegay inuu la hadlayo cidii tabasho qabta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS