24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweynaha Kiiniya iyo ku xigeenkiisa oo markale loo xirey dharka Somalida: SAWIRO

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Wilium Ruto, ayaa maalmahan waxa ay socdaal ku marayeen magaalooyin ku yaala gobolka Waqooyi bari ee Soomaalidu degto.

Uhuru Kenyatta iyo Wafdiga la socda ayaa socdaalkooda ka bilaabay magaalada Mandheera, waxa ay sidoo kale tageen magaalada Wajeer iyagoona ugu dambeyn sodaalkooda ku soo gabo gabeyn doona magaalada Gaarisa.

Madaxweynaha Kiiniya iyo ku xigeenkiisa ayaa markii ay tageen magaalada Wajeer waxaa loo xiray dharka Astaanta u ah dadka Soomaaliyeed sida Macawiis, Shaati,Koofi iyo Go’, waxa ayna Goob barxad ah kula hadleyn dadweyne badan oo kunool magaalada Wajeer.

Uhurru Kenya ayaa socdaalka uu ku marayay Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ugu kuur galayay xaalada ka jira magaalooyinka kuyaala Gobolkaasi, ay dhoor mar ka dhahceen weerar ay geesteen dagaalyaho katirsan Al-Shabaab

wajer_1

wajer_2

wajer_3

wajer_4

wajer_5

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS