Madaxweynaha Maraykanka ayaa loola cararay goob qarsoodiya kadib markii ay la soo deristay cabsi dhinaca cirka ah. Ilaalada Madaxweynaha ayaa la sheegay in loo sheegay inay soo xadgudubtey diyaarad aan la ogeyn.
”Duhurnimada saacada dalkaasi Maraykanka ayaa madaxweynaha loola cararay goob qatsoodiya kadib markii diyaarad gaar loo leeyahay ay soo gashay hawada degmada uu fasaxa ku joogo ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay ilaaladiisa.
Goobtan qarsoon ayaa ah xerada kooxaha dabdemiska. Wadooyinka aagaas ka dhawaa ayaa la xirey inta la xaqiijinayo amniga goobta uu ku sugan yahay iyo nooca diyaaradu tahay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS