X

Ololaha shacabku wado ee mahadsanid madaxweyne oo rikoodhka jabiyay

Ololaha shacabku wadaan ee mahadsanid madaxweyne ayaa 24-kii saacadood ee u dambeeyay gaaray 1 milyan iyo dheeraad kharashka soo xarooday sida ay sheegayaan dad ka agdhow guddiga.


Guddiga ayaa shaacin doona halka ay wax marayaan si rasmiya dhawaan. Waxaase guul weyna in durtaba la gaadhay rikoodh aan hore loo gaadhin. Waa marka koowaade waa hindise ay shacabku wadaan hogaankana u hayaan, dhamaystirkooduna waxay naxdin u tahay cadowga,


”Dabcan guushaas uma ogola waxayna ka qaadayaan wadno xanuun ayuu yiri Cali Calasow. Ninkii ay necbaayeen ee ka horjoogay inay dalka siday doonaan ka yeelaan ayaa maanta shacabkii u dhisayaa guri waa wadno gariir dhaba ayuu raaciyay.



Waxaan sugnaaba waa gurigaas oo laga fekero halka laga dhisayo inkastoo dadka badankiisu ay leeyihiin Baydhabo, waxayse noqon doontaa in laga dhiso halka laysku raaco oo amniya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.