Madaxweynaha Somaliya iyo xukuumada ayaa furey barnaamij lagu caawinayo danyarta Somaliyeed ee ay waxyeelada Ka soo gaartey cudurka Kooro iyo kuwa markoodii horeba haysan nolol maalmeedka. Dadka badankiisa ayaa qaba in dawlada Farmaajo aad ula soo daahdey barnaamijyada noocana.
Waxa barnaamijkan lagu sheegay horumarinta qorshaha qaran ee lagula dagaalamayo saboolnimada, cunto-yarida iyo xaaladaha degdega ah ee soo wajahda ummada Somaliyeed. Waxana loogu talogalay in lagu caawiyo dad gaaraya 1.3 milyan oo danyara.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu farayo xukuumada inay Ka midho dhaliso barnaamijkan si ummada Somaliyeed loo gaarsiiyo isku filaansho. Waxa laga hirgelin doonaa 21 degmo oo Ka mida dalka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS