X

Madaxweynaha oo magacaabay sii hayaha jagada wasiirka koowaad

Kadib markii si kedisa barlamaanku ugala noqdeen kalsoonidii wasiirkii koowaad ee xukuumada Xasan Cali ayaa madaxweyne Farmaajo markiiba magacaabay sii hayaha jagadaas.


ā€¯Waxaan jagadaas u magacaabay ku xigeenka wasiirkii koowaad mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ioo ka soo jeeda gobolada Woqooyi inuu sii hayo inta la magacaabayo wasiirka koowaad.

Dadka badankiisa ayaa qaba in si buuxda loo magacaabo isla Mahdi Guuleed maadaama ay cabasho ka timaad gobolada Woqooyi gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo, taas oo ka xanaajin doonta Hawiye oo iyagu leh hadaaan weyno madaxweyne waa inaan helnaa wasiirka koowaad.


Si kastaba ha ahaatee waxa lagu amaanay madaxweynaha booska uu buuxiyay si hawlaha dawlada ayna u kala dhinaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.