X

Madaxweynaha oo wareegto xanibaysa Ina Xuseen Rooble soo saaray

ARAABINEWS

Ayadoo dadka Somaliyeed khaati ka joogaan farogelinta shisheeye ee nidaamka doorasho ee socda, ayaa gunti giijiye wuxuu safar hadda la ogaa inuu kharashaad ku soo qaatey, ku tagay Ingiriiska.


Wuxuu si hoose ula kulmay madaxda Kiiniya oo kala hadlay badda kadibna looga yeeray Kiiniya halkaas oo uu bilaabay inuu guntiga u giijiyo Uhuru. ”Qaska hadda taagan waxa wada kooxda Xalane oo dagaal toosa kula jira madaxweynaha ayuu yiri Xuseen Warsame.


Haddaba madaxweynaha ayaa soo saaray laba amar oo degdega. Hoos ka akhriso
1. Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban.


2. Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 102aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yahay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tixgeliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis iyo xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka.


3. Maadaama ay dhammeystirmeen dhismaha guddiyada doorashooyinka ee Heer Federal (FEIT) iyo kuwa heer Dowld Goboleed (SEIT), Xallinta Khilaafaadka, si buuxdana loogu heshiiyay habraacyada, miisaaniyadda, qorshaha amniga doorashada iyo dhammaan waxyaabihii ay ku xirnayd qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii lagu xalliyay tabashooyinkii kasoo laabtay 27ka May 2021, lana guda galay doorashooyinka Labada Aqal.


Sidaas darteed, waxaa lagu dhiirrigelinayaa dhammaan hay’adaha ay khuseeyso hawlaha doorashooyinka inay dardargeliyaan si waafaqsan Jadwalka Doorashooyinka ee la faafiyay.

DHAMMAAD

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.