X

Woqooyga Kuuriya oo si Maraykanku fileyn u gantey gantaal halisa

MISSIL NORTH KOREA

Dalkaasi Woqooyiga Kuuriya ayaa ka yaabsatey Maraykanka kuna noqotey naxdin kadib markii ay gantaal ka rideen meel ayan fileyn. Gantaalkan Woqooyigu tijaabiyay ayaa duuley masaafo gaaraysa 850km.


”Gantaalkan ayaa Woqooyiga Kuuriya ka dul ruiday tareen socda taas oo la yaab ku noqotey Maraykanka iyo xulafadiisa. Maaha wax aan fileynay in tareen hub laga dul rido.

Tareenka ayaa la ogyahay inuu buurtaha hoostiisa maro, waxana adkaanaya sida loo weeraro. ”Waa nooc cusub oo Woqooyiga Kuuriya la soo baxday ayuu yiri khabiir u hadlay xeeladaha gantaalkan.


Inkastoo Maraykanku weerari karin Woqqoyiga Kuuriya oo leh awooda Nukliyeerka iyo weliba gantaaladii qaadi lahaa haddana tani waxay ka nixinaysaa Maraykanka iyo Koofurta Kuuriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.