23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay isku afgaran waayeen xalinta 4.5: MAQAL+SAWIRO

Kulan saaka isugu yimaadeen waftigii beesha caalamka ee ku sugnaa maalmahaan magaalo madaxda Puntland ee Garowe iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa waxaa ka soo baxay warsafadeed u dhan yihiin labada dhinac. 

Warsaxafdeedkaan ayaa lagu qirey in kulankii beesha caalamka la yeelatey qayabaha kala duwan ee bulshada ( Siyaasiyiin, Odey dhaqameedyada iyo ururada bulshada) iyo golayaasha dowlada.

Madaxweynaha Puntland oo ku hormarey warsaxafadeedkaan in beesha caalamka fursad u heshay iney shacabka Puntland waydiiso aragtidooda ku aadan qaabka doorasho ee Somalia islamarkaana waxaa uu xusey in aan la isku afgaran aragtidii lasoo bandhigey ee ku aadaneyd 4.5.

Dhinaca kale Ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Somalia ayaa sheegey in kala kulmay Puntland aragti baaxad leh ee ku aadan nidaamka siyaasdeed, amni iyo maqaamka magaalao madaxda Somalia.

Ergeyga ayaa sheegey iney tahay wax aad u xun in dib u dhac ku yimaado doorashada Somalia balse dib ugu noqonayaan Muqdisho la kulmi doonaan dowlada Federaalka iyadoo loo baahan yahay in la wajaho caqabadaha Jira.

IMG_9585[1]

IMG_9580[1] IMG_9582[1] IMG_9585[1] IMG_9589[1] IMG_9609[1] IMG_9617[1] IMG_9656[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS